Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa ku booriyay Addis Ababa iyo Muqdisho inay furaan wada hadal ay ku xalinayaan murankooda ku saabsan heshiiska badda ee Itoobiya ay la gashay Somaliland.

Xiisadda labada dal ee dhaca Geeska Afrika ayaa cirka isku sii shareertay tan iyo markii dalka Itoobiya ee aan badda lahayni uu heshiis la galay Somaliland 1-dii January, heshiiskaas oo sheegaya inay bad ka hesho marinka badda Cas.

“Mar walba waxaa na haga mabaadi’deenna, mabaadi’deenna waxay la xiriiraan midnimada, iyo madax-bannaanida dhuleed ee dalalka ay Soomaaliya ku jirto,” ayuu Guterres ku sheegay shir-jaraa’id oo uu ku qabtay shirka G77 iyo Shiinaha ee caasimadda Uganda.

Sidoo kale Madaxweyne Xasan ayaa sheegay maalmo ka hor in aysan Itobiya la hadlaynin ilaa ay ka laabato Heshiis Beenaadkii ay la gashay maamulka Gobolada Waqooyi.

Office Nairobi Kenya

 

 

Leave a Reply