Wararka ka imaanaya magaalada Galkacyo ayaa sheegaya in uu halkaas ka furmay shir ku aadan nabadaynta beelo Walaalo ah oo halkaas ku dagaalamay.
Shirkaan oo looga hadlayay Nabadda Beelo wada daga Galbeedka Gobolka Mudug ayaa maanta waxaa Gaalkacyo ka daahfuray Wasiirada Arrimaha dibadda iyo Gaadiidka iyo duulista Hawada JFS Axmed Macalin Fiqi iyo Fardowso Cismaan Cigaal
Shirka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa masuuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya, Galmudug iyo Puntland
Masuuliyiinta ayaa wadajir u qiray inay muhiim tahay in laga wada shaqeeyo Nabadda iyo wadajirka Bulshada Gobolka degan
Sidoo kale Wasiirada Arrimaha dibadda iyo Duuoista Hawada JFS Axmed Macalin Fiqi iyo Fardowso Cismaan Cigaal oo shirka furay ayaa wadajir u sheegay, in bulshada looga fadhiyo inay si wada jir ah uga wada shaqeeyaan Nabadda Gobalka iyo is-dhexgalka bulshada.
Shirka ayaa Daahfurkiisa waxaa laga soo saaray qodobo muhiima oo dhamaan taabanaya muhiimadda ay leedahay wadajirka Beelaha Dega Galbeedka Gobolka Mudug,.
Xafiiska Wararka Muqdisho