Wasiirka arrimaha dibadda Sacuudiga ayaa maanta sheegay in boqortooyadu ay aqoonsan doonto Israa’iil haddii heshiis laga gaaro dalnimada Falastiiniyiinta, iyadoo dagaalka Israa’iil iyo Xamaas uusan u muuqan mid qaboobaya.
“Waxaan isku raacsannahay in nabadda gobolka ay ku jirto nabad ay hesho Israa’iil, balse taasi waxay keliya dhici kartaa nabad ay helaan Falastiiniyiinta iyadoo ay dal yeeshaan Falastiiniyiinya,” ayuu Amiir Faisal bin Farhan u sheegay guddi ku sugnaa shirka dhaqaalaha adduunka oo lagu qabtay Davos.
Mar wax laga weydiiyay haddii Sacuudi Carabiya ay aqoonsan doonto Israa’iil tanoo qeyb ka ah heshiis siyaasadeed oo ballaaran, ayuu ku jawaabay: “Dabcan.”
Amiir Faisal ayaa sheegay in helidda heshiis goboleed iyadoo loo marayo sameynta dal ay Falastiiniyiintu leeyihiin ay tahay “wax aan kala shaqeyneynay maamulka Mareykanka”.
Xigasho
Office Nairobi Kenya