\Wararka ka imaanaya Badda Cas ee xeebta Yemen ayaa sheegaya in maanta halkaas lagu weeraray Markab sitay calanka Malta, oo laga leeyahay Giriigga .
Wararka ayaa sheegaya in Markabkaan lagu weeraray Gantaalo Xili uu marayay Badda Cas ee xeebta Yemen .
Waxaa loo maleynayaa inay tahay dhacdadii sadedxdaad ee uu markabkan oo lagu magacaabo Zografia ku lug yeesho muddo 24 saacadood gudahood ah.
Sidoo kale Dhacdadii maanta ayaa imaaneysa iyadoo milatariga Mareykanku ku dhawaaqay inay la wareegeen hub Iiraan ay leedahay oo loogu talogalay Xuutiyiinta intii uu howlgalku socoday toddobaadkii hore.
Office Nairobi Kenya