March 23, 2025

 

Wararka ka imaanaya Magaalada Hargaysa ay sheegayaan in la sii daayay wariyayaal  maalmo ka hor ay xireen Maamulka Muuse Biixi.

Telefishanka MMTV ayaa baratiisa bulshada ku sheegay in xabsiga laga sii daayey laba ka mid ah ahaa saddex weriye oo maalintii Axaddii ay qabteen laamaha amniga, sida ay sheegeen ururka suxufiyiinta Somaliland.

Saxafiyiinta la sii daayey ayaa telefiishanku sheegay inay kala yihiin Ilyaas Cabdinaasir iyo Maxamed Cabdi Cabdullaahi Andar. Sidoo kale waxaa telefiishanku tebiyey inuu jro suxufi kale oo isna la sii daayey.

Sidoo kale Hase yeeshee waxaan weli la sii daynin Maxamed Cabdi Ilig oo ah guddoomiyaha MMTV.

Office Nairobi Kenya

Leave a Reply